Sunday, March 23, 2025
HomeWararSoomaaliland Oo Xabsiga Dhigtay Nabadoon Caan Ka Ahaa Deeganada Soomaliland

Soomaaliland Oo Xabsiga Dhigtay Nabadoon Caan Ka Ahaa Deeganada Soomaliland

Wararka laga helayo Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Maamulka  Somaliland uu xiray Suldaan Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka magaalada Burco.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa Suldaanka lagu soo warramayaa inay ka qabteen masaajid ku yaalla magaalada Burco xilli uu salaadii Maqrib kasoo baxay sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Sababta loo xiray suldhaanka ayaanan la ogeyn balse Suldaan Cunne ayaa maalmihii dambe eedeeyn ku aadan dagaalka Ceel Afweyn hawada u marinayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Somaliland ayaanan sidoo kale wax war ah kasoo saarin xariga ay xalay ciidamada booliiska magaalada Burco ay u geysteen Suldaan Cunne oo kamid ah salaadiinta ugu caansan magaalada Burco,balse waxaa weli u xiran Boqor Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah Salaadiinta ugu Caansan Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe