Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa digniin amni u dirtay dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo bannaan-baxyo iyo rabshado ka dhaca qaar kamid ah gobollada dalka.
Safaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan goobaha laga dareemayo khataraha amni iyo isu imaatinnada suuragalka ah ee rabshadaha sababi kara.
Digniinta ayaa sidoo kale si gaar ah ugu socota ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo lagula taliyay inaysan furin goobahooda ganacsi xilliyada ay xaaladdu kacsan tahay, si loo ilaaliyo badqabka naftooda iyo hantidooda.
Safaaradda ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay si dhow ula socdaan xaaladaha amni ee ka jira deegaannada ay ku nool yihiin, isla markaana ay raacaan tilmaamaha iyo habraacyada ay soo saarayaan laamaha ammaanka ee dalka.
Waxa kale oo safaaraddu ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo iska warqabka bulshada dhexdeeda, iyadoo mar kale ugu baaqday jaaliyadda Soomaaliyeed inay muujiyaan deggenaan, taxaddar iyo wada shaqeyn si loo xaqiijiyo badqabka bulshada inta lagu jiro xaaladdan.
Si kastaba ha ahaatee, xiisado iyo bannaan-baxyo la xiriira arrimaha socdaalka iyo ajaanibta ku nool dalkaas, ayaa isu beddelay rabshado iyo weerarro lagu bartilmaameedsanayo dadka ajaanibta ah, gaar ahaan ganacsatada iyo muhaajiriinta ka yimid dalalka Afrika.
Bannaan-baxyadan ayaa ka dhacay magaalooyin ay kamid yihiin Johannesburg, Pretoria iyo Durban, halkaas oo kooxo qaarkood ay dalbanayaan in dowladda ay adkeyso sharciyada socdaalka isla markaana dalka laga saaro dadka sharci darrada ku jooga.
Bannaan-baxyada ayaa sababay cabsi amni, bililiqo iyo weerarro loo geystay dukaamo ay leeyihiin ajaanib, taasoo keentay in dalal dhowr ah oo Afrikaan ah ay digniino u diraan muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika.
Madaxweynaha Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay rabshadaha iyo weerarrada ajaanib nacaybka ku saleysan, isagoo sheegay in mudaaharaadyadu aysan matalin shacabka oo dhan. Dowladda ayaa sidoo kale ballanqaadday inay tallaabo ka qaadi doonto kooxaha rabshadaha wada.
Sababaha ugu waaweyn ee sababay bannaanbaxyadan ayaa lala xiriirinayaa shaqo la’aanta sareysa, Sicir-bararka iyo saboolnimada, cabashooyinka ku saabsan adeegyada bulshada , eedeymo loo jeedinayo muhaajiriinta inay saameyn ku yeesheen shaqooyinka iyo amniga dalka.

