Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaSoomaali iyo Itoobiyaan 49 qof ah oo ku dhintay doon...

Soomaali iyo Itoobiyaan 49 qof ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Yemen.

Ugu yaraan 49 qof oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah lix carruur ah iyo 31 haween ah. Dadka badbaaday ayaa u sheegay samatabbixiyeyaasha in markabka oo ay saarnaayeen 260 muhaajiriin ah uu ku degay Isniintii dabeylo xooggan.
Waxaa weli socda baadigoobka 140 qof oo weli la la’yahay.

Doonta oo ka baxday Soomaaliya 03:00 (01:00 BST) Axaddii, ayaa siday 115 qof oo Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah, taasoo qayb ka ah tahriibka Geeska Afrika ee dhawaanahan ku sii kordhayay dalka Yemen, sida ay sheegtay IOM.
Maamulka deegaanka Rudum ee bariga Cadan ayaa sheegay in dadka doonida la socday ay ahaayeen dad tahriibayaal ah oo Yemen ka dhigta marin ay ku gaaraan dalalka Khaliijka.
Sida laga soo xigtay IOM, tobanaan kun oo qof ayaa isku daya sanadkiiba safarka, iyagoo ka sii gudbaya badda Geeska Afrika ilaa Yemen kadibna u sii socdaalaya Sacuudiga ama dalal kale oo hodan ah.
Haadi al-Khurma, oo ah agaasimaha degmada Rudum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doonta degtay ka hor inta aysan soo gaarin xeebta.
Kalluumeysatada iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan dad badbaaday, kuwaasoo sheegay in tahriibayaal badan lagu la’yahay isla doonidii, ayuu yiri Mr al-Khurma.
“Baadigoobka weli wuu socdaa, Qaramada Midoobayna waa lagu wargeliyay dhacdada,” ayuu yidhi.
IOM ayaa sheegtay in howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ee socda ay caqabad ku noqotay yaraanta doomaha ilaalada ee hawlgalka ah.
Waxay sheegtay inay gargaar siinayso 71 qof oo badbaaday, oo ay ku jiraan lix carruur ah, iyadoo siddeed muhaajiriin ah loo gudbiyay isbitaalka.
Khariidadda aqoonsiga ee muujinaysa Soomaaliya iyo YemenIDT
War qoraal ah oo uu soo saaray Talaadadii, afhayeenka IOM Mohammedali Abunajela wuxuu ku yiri “masiibadii dhawaan dhacday waa mid kale oo xasuusinaysa baahida degdega ah ee loo qabo in laga wada shaqeeyo wax ka qabashada caqabadaha degdega ah ee socdaalka”.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay 97,000 oo tahriibayaal ah ayaa sanadkii hore gaaray Yemen, kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika. Hay’addu waxay sheegtay in ay sabab u yihiin xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, abaaro iyo cimilo-xumo kale oo dalalkooda ka jira.

Tirada muhaajiriinta imaanaya Yemen sanad walba ayaa saddex jibaarmay qiyaastii 27,000 sanadka 2021 ilaa in ka badan 90,000 sanadka 2023, IOM ayaa tiri. Korodhka ayaa dhacay inkasta oo dagaalka Yaman uu ka socdo iyo weeraradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen maraakiibta marayay badda cas.

Socdaalku waa mid halis ah: Tan iyo 2014, IOM waxay diwaangelisay 1,860 tahriibayaal ah oo ku dhintay iyo kuwa la la’yahay inta ay marayeen marinka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee u socda Khaliijka, oo ay ku jiraan 480 qof oo ku qaraqmay badda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe