Friday, April 18, 2025
HomeUncategorizedSoomaali farabadan oo ku go’doonsan xadka Suudaan iyo Itoobiya

Soomaali farabadan oo ku go’doonsan xadka Suudaan iyo Itoobiya

Soomaali farabadan oo ka cararay colaada kajirta Magaalada Khartuum ee caasimadda waddanka Suudaan ayaa gaaray xadka ay wadaagaan dalalka Suudaan iyo Itoobiya.

Soomaalidaan oo boqolaal gaaraya ayaa qaarkood ay sheegeen inay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan maadaama waqti badan ay joogaan xaduudka labada dal.

Dr Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil oo kamid ah Soomaalida ku go’doonsan xaduudka Suudaan iyo Itoobiya ayaa sheegay in muddo ku dhow 10 Cisho ay halkaasi ku xaniban yihiin.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax gurmad ah oo uga yimid dowladda Soomaaliya,balse kaliya ay maqlaan in ay dowladdu wado dadaalo ay ugu soo gurmaneyso.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka socda Caasimadda khartuum ee dalka Suudan ayaa qaatay muddo 11 maalmood ah. Kaasi oo u dhaxeeya Hoggaamiyaha Militiriga Sudan Cabdulfatax burhaan iyo General hoggaamoya Ciidanka Dacmu sariic .

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe