Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Somaliland iyo hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa maanta fagaare ka sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay jabhado ku kicisay Somaliland.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa ayaa warbaahintu weydiisay kulan ay dhawaan Nairobi kula qaateen Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.
Faysal Cali Waraabe iyo Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Somaliland aysan jabhad ku kicin Soomaaliya ee ay mucaaradka Soomaaliya u mareyso sidii looga taqallusi lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo.
Faysal, ayaa yiri ” cadowgaaga cadiwgiisa waa saaxiibkaa, si ilbaxnimo leh ayaan wax u bareynaa mucaaradka Soomaaliya, sida isaga oo kalena Jabhad hubeysan kuma kicineyno”.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku raacay Faysal waxaana ay sheegeen in dowladda Federaalka ah jabhado ku kicisay Somaliland kuwaas oo dagaallo ka wada Sool iyo Sanaag.
Labo Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ayaa hadda malleeshiyo la dagaallanta SOmaliland waxaa ay ku heystaan Gobolladaas,waxaana labada sarkaal lagu kala magaacabaa Korneyl Caarre iyo Jeneraal Falaalug.