Monday, July 6, 2026
HomeWararGudahaSomaliland oo joojisay duulliymaadka Diyaaradda Air Djibouti

Somaliland oo joojisay duulliymaadka Diyaaradda Air Djibouti

Somaliland ayaa Jamhuuriyadda Jabuuti ku wargeliyay in uu deegaannada maamulkaas ka joojiyay Diyaaradda Air Djibouti kaddib markii Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay safka hore kasoo galay dalalka kahor yimid aqoonsiga Israa’iil.

Warqad ayuu maamulka Somaliland u diray Shirkadda Air Djibouti inkasta oo aan si rasmi ah faafin loogu soosaarin, balse waxaa lagu wadaa in ay Warbaahinta la hadlaan mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Joojinta Duullimaadka waxa ay ku siman tahay berri oo Arbaco ah kuna beegan 7da Janaayo 2026, wixii ka danbeeya maalintaas waxaa gebi ahaan joogsan doonna Duullimaadka joogtada ah ee Air Djibouti sida wararku sheegayaan.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Shirkadda la joojiyay duullimaadkeeda oo ay ku faahfaahinayaan xaanshida loo diray iyo amarka safar joojinta ah ee la isugu daray, waxaana dhankooda laga sugayaa jawaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe