Saturday, June 15, 2024
HomeWararDibaddaSomaliland oo jawaab culus kabixisay hadalkii kasoo yeeray Yoweri Museveni

Somaliland oo jawaab culus kabixisay hadalkii kasoo yeeray Yoweri Museveni

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.

Sidoo kale, Yoweri Meseveni ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan, waxa uuna hadalkan ka carreesiiyay maamulka Somaliland oo xasaasiyad ka qaada in ay la midoobaan Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda waxaa iska diiday maamulka Somaliland oo sheegtay in wax micno badan ugu fadhin in xilligan wadahadalo la gasho dowladda Soomaaliya, waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba dhici doonin in ay dib u midoobaan.

Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa beesha caalamka iyo Midowga Afrika ku wargalisay in qorshaha marnaba ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya ay la galaan dowladda Federaalka .

QORAALADA LA XIRIIRA

9 COMMENTS

  1. Hey! Do you know if they make any plugins to assist with SEO?
    I’m trying to get my blog to rank for some targeted keywords but I’m not
    seeing very good results. If you know of any please share.
    Thanks! You can read similar text here: Ecommerce

  2. Good day! Do you know if they make any plugins to help with SEO?

    I’m trying to get my site to rank for some targeted keywords but I’m not seeing very good
    results. If you know of any please share. Many thanks!
    I saw similar art here: GSA Verified List

  3. Hi there! Do you know if they make any plugins to help with Search Engine
    Optimization? I’m trying to get my blog to rank for some targeted keywords but I’m not seeing very
    good gains. If you know of any please share. Many thanks! You can read similar art here: Good escape room

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe