Xukuumada Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo hore loogu helay in ay gaysteen dilal.
Dilkan oo saaka subixii hore la fuliyay ayaa ka dhacay deegaanka Madheera oo caan ku ah qisaasta isla markaana ay xukuumadu u adeegsato in ay ku fuliso qisaasta dadka lagu helo falalka dilalka ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan sexeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo aan magacyadooda iyo noocyada dilalka ay galeen anay wali xukuumadu baahin.
Xukuumada Somaliland ayaa inta badan si hoose u fulisa dilalka qisaasta ah, iyada oo beesha caalamku ay isla marka ay dhacaanba ka qayliso, isla markaama cambaarayso dilalka ay Somaliland fuliso.
Wali xukuumada Somaliland kama hadal dilka saaka la fuliyay, oo dhacay xili hore oo saaka ah, isla markaana aan laga helin xog badan.

