Tuesday, May 26, 2026
HomeWararSomaliland iyo Maraykanka oo yeelanaya Iskaashi

Somaliland iyo Maraykanka oo yeelanaya Iskaashi

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminayan wefti sare oo ka socda Somaliland, ayaa toddobaadkan la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden iyo xubno ka tirsan Congress-ka inta uu ku gudo jiro socdaalkiisii u horreeyey ee Madaxweyne ka socdaa ku tago Maraykanka tan iyo 2013kii.

Wada-tashiyo isdaba joog ah oo ay yeesheen masuuliyiin ka socda Somaliland iyo Maraykanku waxay isku waafaqeen inay yeeshaan iskaashi qoto-dheer oo ay bahwadaag ku yihiin hadafyada ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin; ilaalada xeebaha, ka hortagga argagixisada, kaalmada bini’aadanimo, ilaalinta deegaanka iyo in kor loo qaado Ganacsiga.

Aqalka Wakiillada, waxa madaxweyne Biixi dedaal u galay in la adkeeyo xidhiidhka iyo masaalixda labada dhinac, taasoo keentay in 14, March Guddida Arrimaha Dibadda ee Congress-ka iyo xubno sare oo ay ka mid ahaayeen  Michael McCaul (R-Taxes), Guddida Afrika, caafimaadka caalamiga ah  iyo Guddi hoosaadyada xuquuqda aadanaha xubno sare oo ka mid ah Chris Smith (R-New Jersey) iyo qaraar ay soo saareen 8 Xildhibaan oo qoraal u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, waxay xildhibaannadaasi ku booriyeen in Maraykanku cilaaqaad la yeesho Somaliland, waxaanay hoosta ka xariiqeen “Istaraatijiyada iyo bogcada gacanka Cadmeed ee Somaliland ku taallo, isla markaana si joogto ah loo taageero dimuqraadiyada, iskaashina lagala sameeyo dhinacyada ka hortagga argagixisada, budhcad-baddeeda iyo halisaha ammaan ee ka jira gobolka Geeska.

Waxa kaloo ay bayaankooda ku sheegeen xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan iyo in Maraykanku kor u qaado fursado dheeraad ah oo dhaqaale oo uu la yeesho Somaliland.”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu soo dhaweeyey qaraarkii hordhaca ahaa ee la xidhiidhay  “Sharciga iskaashiga Somaliland” ee ay soo saareen Guddida Arrimaha Dibadda ee aqalka Senate-ka ee ay ka mid ahaayeen Jim Risch (R-Idaho) oo ay wehelinayeen Senatarada kala ah; Chris Van Hollen (D-Maryland), Mike Rounds(R-South Dakata), Guddoomiyaha  iyo xubno sare oo ka tirsan Guddi hoosaadka qaabilsan Afrika iyo siyaasada caalamiga ah ee caafimaadka oo warbixintooda ku sheegay “In Xidhiidh xoog leh oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland  uu faa’iidooyin badan iyo fursado istaraatijiyadeed u yeelanayo labada dhinac.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe