Monday, May 25, 2026
HomeWararSomalia oo loo doortay Shir Guddoonka Golaha Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha...

Somalia oo loo doortay Shir Guddoonka Golaha Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta

Wafdi uu hogaaminaayo Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabato Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid, waxuuna kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe