Saturday, May 2, 2026
HomeWararShirweynaha Qaran ee Waxbarashada oo maanta ka furmaya Magaaalada Muqdisho.

Shirweynaha Qaran ee Waxbarashada oo maanta ka furmaya Magaaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirweynaha qaran ee Waxbarashada oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa sidii loo dejin lahaa qorshe-siyaasadeed lagu xoojinayo Waxbarashada Qaranka oo muddooyinkii dambe horumar ay ku sameyneysay Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Wasaaradda ayaa soo bandhigeysa qorshaha ay dejisay si taageero xooggan ugu xoojiso waxaa sidoo kale madasha looga doodayaa sida lagu gaari karo yoolka ay ka leedahay horumarinta Waxbarashada guud ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ayaa sheegay in si caddaalad ah oo waafaqsan nidaamka dalka in ay u marayaan hormarinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa dhowaan qaadday Imtixaan ay galeen 8 kun oo macallin si ay uga dhex xulato 3 kun oo ay u baahan tahay, waxa ay dalbatay in goobaha dhulkeeda ah in lala raro dadka degen si ay uga hirgeliyaan goobo Dadka wax lagu baro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe