Dib u dhac ku yimid shirkii maanta oo khamiis ah lagu waday in uu ka furmo magaalada Garowe
Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayey in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland uu ka dhaco shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhac ku yimid.
Madaxweynaha Dowlad Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Afar Cisho ka hor shirkaasi iclaamiyey,waxaana Wararka aan heleyno ay sheegayaan in sababaha uu shirkaasi u baaqday ay qeyb ka tahay in Madaxda shirkaasi ka qeybgeli lahey aysan weli tegin Garoowe.
Shalay Magalada Garoowe waxaa tegay wufuud horudhac ah oo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha,waxaana sidoo kale socda wadatashiyo ay sameynayaan Madaxda dalka oo ku aadan qorshaha ay shirkaasi la tegayaan.
Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa dhankooda weli tegin Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,hayeeshee ugu dambeyn Madaxda sare ee dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay Magalada Garoowe tagaan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ugu sareysa dalka inay shirkaasi ka qeyb galaan, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen.
Shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo Magalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa xalinta khilaafka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada iyo sidii ay si dhab ah u wada Shaqeyn lahaayeen.