Tuesday, April 14, 2026
HomeWararShirkii Dhuusamareeb oo natiijo laan ku dhamaaday & dowladda oo ka hadashay

Shirkii Dhuusamareeb oo natiijo laan ku dhamaaday & dowladda oo ka hadashay

Shirkii Magaalada Dhuusamareeb uga socday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in xalay uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.
Shirka oo socday muddo Saddex Cisho ayaa waxaa aad looga dooday qodobo ay kamid yihiin arrinta Gobolka Gedo iyo doorashada Xildhibaannada Soomaaliland oo qaabka loo wajahayo uu kasoo horjeedo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Maalmihii uu socday shirka ayaa waxaa jirtay in mararka qaar doodaha ay aad u adkaanayeen, taas oo keentay in dhowr jeer ay shirka isaga baxaan Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, hayeeshee ugu dambeyn xalay uu natiij la’aan kusoo dhamaaday.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in shirka iyo in hehsiis la gaaro uu ka socon waayay dhanka Madaxweynaha Jubbaland
Waxaa uu sheegay Wasiirka in arrinta Gobolka Gedo markii hore la soo jeediyay in Degmada Garbahaareey la geeyo Ciidamo Boolis AMISOM ah , sidoo kale Guddi loo diray, isla markaana dib u heshiisiin la sameeyo, balse uu sheegay in qodobadaas oo dhan ay kasoo horjeesteen dhinaca Maamulka Jubaland.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in shir kale la isugu yimaado, in kastoo aan la shaacin halka la isugu tegayo iyo waqtiga uu shirkaasi furmayo, waxaana Madaweynaha Maanta uu hortagayaa Baarlamaanka Soomaaliya oo u balansan kulan uu Madaxweynaha codsaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe