Thursday, February 13, 2025
HomeWararShirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Oo Goordhaw ka Furmaya Baydhabo.

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Oo Goordhaw ka Furmaya Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goor dhow ka furmi doona  shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Goobta lagu qabanaayo Shirka ayaa hadda waxaa ku sugan Madaxda dowlad goboleedyadda iyo Wafdigooda, waxaana lagu waddaa in uu furmo.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahan uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe