Monday, June 16, 2025
HomeWararGudahaShirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Dhacaya Magaalada Kismaayo Iyo Qodobo Muhiim...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Dhacaya Magaalada Kismaayo Iyo Qodobo Muhiim Ah Oo Lagaga Hadlayo Doorashada.

9-ka bishan August ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Golaha wadatashiga Qaran  kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Shirkan oo markii hore lagu waday inuu Muqdisho ka furmo bishii hore ayaa dib u dhacay kaddib markii Madaxweynaha Jubbaland uu ka cudur-daartay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo weli socda.

Shirka soo socda ee NCC ayaa la filayaa inuu udub dhexaad u noqdo dowlad goboleedyada Soomaaliya kuwaas oo waqtigoodu uu ku dhow yahay inuu dhamaado. Dowladahaan ayaa doonaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaado in la sii wado doorashooyinka dowlad goboleedyada, taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta doorashada guud ee dalka oo ay ku jirto doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2026-ka.

Bisha Agoosto ayaa la filayaa in ay noqoto bil muhiim u ah hannaanka doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed. Hindisaha “hal qof iyo hal cod” ee Madaxweyne Maxamuud ayaa wajahaya caqabado la taaban karo oo ay ka mid yihiin iska caabin kaga imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka soo horjeeda qorshaha.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa looga hadlayaa dhowr qodob oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka qaabka doorashada 2026-ka Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale loo badinayaa in ay dabada ka riixayaan in la dadajiyo doorashooyinka dowlad goboleedyada si loo cusbooneysiiyo waajibaadkooda shaqo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe