Sunday, June 28, 2026
HomeWararShir laga yeeshay dhibaatada Ciyaal weerada & Amniga Caasimadda

Shir laga yeeshay dhibaatada Ciyaal weerada & Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo bandhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeeno, Xildhibaano, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala gedisan.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray ka hortaga weerarada Al-Shabaab, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Ciribtirka Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe