Home Warar Shir deg deg ah oo laga yeeshay qarixii saraakiisha lagu dilay ee...

Shir deg deg ah oo laga yeeshay qarixii saraakiisha lagu dilay ee Gaalkacyo

184

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wasiirrada amniga dowladda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa ka hadlay arrimihii shirka looga hadlay oo ay ugu horeyso xoojinta Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ciidamada Qaranka uga tacsiyadeeyay saraakiishii ku dhintay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo Ummadda Soomaaliyeed tacsi u diray, Allena uga baryay in uu janadii fardowza ka waraabiyo.
“Nimanka falkaas geystay waa niman Diinta qaloociyay, dalka dumiyay, oo dadka naga laayay oo cudur ah, dadkaasina waa laga guuleysan doonaa gabaabsi ayayna marayaan, howshooda waa gabaabsi, waana laga guuleysan doonaa, ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee Nabadda jecel oo dalkooda iyo diintooda dhisanaya, iyagaa guuleysan doona” ayuu yiri Wasiirka Amnniga mudane Xasan Xundubey Jimcaale.
Saraakiishii ku dhimatay qarixii ka dhacay Maalin ka hor Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa shalay la Aasay, waxaana madaxda dowladda & dowlad goboleedka galmudug ay sheegeen in weerarkaasi ay ka jawaabi doonaan.

Facebook