Tuesday, April 14, 2026
HomeWararShiinaha oo Xeebaha Soomaaliya usoo diray Markab ilaaliya Maraakiibta Ganacsiga.

Shiinaha oo Xeebaha Soomaaliya usoo diray Markab ilaaliya Maraakiibta Ganacsiga.

Dowladda Shiinaha ayaa Markabkii 38-aad oo ay la socdaan Ciidamada Xoreynta Badda (PLA) usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya Sabtida maanta ah 15-ka May 2021 si uu u galbiyo maraakiibta rayidka ah ee Ganacsiga.

Markabka ayaa kasoo shiraacday Dekedda Zhoushan ee gaarka u ah Militariga Shiinaha waxaana ay dhacdaa Gobolka Zhejiang, waxa uu xambaarsan yahay Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters, Gantaallada wax burburiya & Doomo nuuca dheereeya.

Waxa ay ka howlgalayaan Gacanta Cadmeed & Biyaha Soomaaliya si ay u gudbiyaan Maraakiibka rayidka ah ee adeegyada Ganacsiga isaga kala gudbiya dalalka & qaaradaha kala duwan ee Caalamka.

Kordhinta howlgalka Shiinaha ayaa yimid kadib markii cabsi soo wajahday inkasta oo aysan sheegin Xukuumadda Beijing halka welwelka uu ka yimid & meesha ay ka heshay fariinta ku qasabtay soo derista markabkaan xambaarsan agabka military.

Waa howlgalkii ugu ballaarnaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya tan & December 2008-dii oo uu soo bilawday howlgalkooda Biyaha Soomaaliya iyo badda caalamiga ah, waxaana xiligaas xawaare aad u kordhay Afduubka Burcad badeeda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe