Home Warar Shaqaale Katirsan Hay,ada Awqaafta Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

Shaqaale Katirsan Hay,ada Awqaafta Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

345

Maxamed Cabdi Oongooye oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Oongooye ku dishay Muqdisho,waxaana ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Maxamed waxaa uu sidoo kale Bare ka ahaa mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.