Monday, October 14, 2024
HomeWararSenator Ayuub Ismaaciil oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Senator Ayuub Ismaaciil oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool magaalooyinka Minneapolis iyo Washington, D.C. ee dalkaasi Mareykanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyn kadib intii kulanka uu socday waxaa ay dhageysteen warbixin uu Senator Ayuub uu ka siiyay arrimaha Soomaaliy aiyo horumarada dalka kajira,isagoo ku booriayay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda hooyo.

Waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka guud ahaan talaabooyinka horumarineed oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya,iyagoo muujiyaysida ay u garab taagan yihiin dowladooda.

Dhanka kale Senator Ayuub Ismaaciil ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee (The Pentagon)  wuxuuna halkaasi uu kula kulmay mas’uuliyiinta waaxda Difaaca ee Mareykanka.

“Aroornimadii saaka ayaan tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka “The Pentagon” waxaan kula kulmay Mudane Alan Patterson oo ah Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ee Arrimaha Afrika, waxaan uga mahadceliyay taageerada Mareykanka ee dhanka amniga Soomaaliya”ayuu yiri Senator Ayuub.

Senator ayuub Wuxuu Alan Patterson guddoonsiiyay abaalmarin tilmaan u ah heerka saaxiibtinimo, qotodheerida iskaashiga iyo wax wadaagga istaatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe