Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiSawirro+Dhageyso:- Xaaf Oo Gaalkacyo Kula Kulmay Dhalin-yarada Gobolka

Sawirro+Dhageyso:- Xaaf Oo Gaalkacyo Kula Kulmay Dhalin-yarada Gobolka

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Inkastoo Xildhibaano Ka Tirsan Gal-mudug Oo Cadaado Ku Sugan Sheegeen In Ay Xilkii Ka Qaadeen Isla-markaana XalayMagaalada Gaalkacyo Kulan Kula Qaatay Dhalin-yarada Gobolka Ayaa Waxa Uu Ka Dhageystay Warbixin La Xariirta Xaaladda Amni Ee Gobolka.

Kulanka Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xirsi Yuusuf Barre Duqa Magaalada Gaalkacyo Ee Dhinaca gal-mudug Oo Ugu Horreyntii Madasha Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Sheegay In Dhalin-yarada Gobolka Gaar Ahaana Tan Gaalkacyo Ay Kaalin Weyn Ka Qaateen Nabad Kusoo Dabaallida Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay kulanka ay ku maamuuseen Dhalinyada Gobolka Mudug ayaa waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyay dhalinyada Gobolka Mudug sida wanaagsan oo ay ugu shaqeeyeen amniga iyo bilic soo celinta Magaalada Galkacyo waxa uu intaas ku daray in ay dhalinyadu usoo gudbiyaan liiska dhalinta aan awoodin in ay waxbarashada iska bixiyaan si u kafaala qaado ugana bixiyo kharashaadkii ay wax ku baran lahaayeen.

Sidoo Kale Xaaf Waxa Uu Xusay In Kaalin Waqti Laga Siin Doono Talefeshinada Ku Hadla Afka Maamullada Puntland Iyo gal-mudug Si Ay usoo Gudbiyaan farriintooda Xambaarsan Nabadda Iyo Xasiloonida Gobolka.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Kulanka:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe