Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb Ee Caasimada Maamulka Galmudug  Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay ku ansixiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka doodaayeen maalmihii lasoo dhaafay.
Xildhibaanada Galmudug ayaa Ansixiyay Astaanta iyo Dastuurka cusub ee maamulka Galmudug iyo sidoo kale isku darkii Xildhibaanada Galmudug iyo Kuwa Ahlusunna.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa ku xigeenkiisa labaad.