Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa la kulmey Wasiirka arrimaha Gudaha Finland.
Dhinacyadan ayaa waxa ay ka wada hadleen iskaashi laga yeesho dhinacyada amniga, socdaalka iyo dukumentiyada Soomaaliga ah oo uu ka mid yahey baasaboorka
Dhinaca kale Agaasimaha guud ee HSJ ayaa kulan gaar ah la qaatey kusimaha Agaasimaha guud ee laanta socdaalka Finland, waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashin lahaa arrimaha socdaalka, Finland ayaa balan qaadey tababaro ay u sameynayaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.
Wafdiga Wasiirka ayaa booqdey qaar ka mid ah xarumaha ilaalada xuduudaha iyo xaruunta isku xirka howlgallada amniga iyo socdaalada ee dalka Finland.
Dalka Finland ayaa ka mid dalalka laga sugayo go’aanka dib u tixgelinta Baasaboorka Soomaaliya, waxayna balan qaadeen in ay dadejin doonaan habka aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Booliska Dalka Filand oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogta iyo qibradaha Booliska iyo sido kale sidii ay Dowladda Filand qeyb uga qaadan laheyd tababarida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.