Sunday, January 19, 2025
HomeWararSawirro:-Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Oo Midawga Yurub Ka Codsatay Taageerada Ciidamada Dawladda

Sawirro:-Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Oo Midawga Yurub Ka Codsatay Taageerada Ciidamada Dawladda

Wasiirka Wasaaradda Gaashiindhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotaMidowga Yurub ayaa kala hadlay taageerista Ciidamada Dowladda federalka.

Si gaar ah waxa uu ugu dalbaday in ay kordhiyaan tababarada Ciidamada Dowladda ay siiyaan Macalimiinta Midowga Yurub ee Muqdisho ku sugan, Dowladaha ururkaan ku jirana ay bixiyaan waxyaabaha fududeynaya.

Wasiir Amar Dambe ayaa intaa ku daray in kaalin muuqda uu ururka Midowga Yurub ka qaatay tababarada iyo dhismaha Ciidamada Dowladda Federaalka.

Ururka Midowga Yurub ayaa ciidamada Dowladda ku taageera tababarada iyo helista Qalabka ay ku howlgalaan Ciidamada.

Dowlado ka madax banaan Midowga Yurub oo ay heshiis kula jirto Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyanne ka qayb gala tababarista Ciidamada, waxaana ka mid ah Turkiga.

Qubaro u badan la taliyaal Amni iyo Macalimiin Ciidan oo ka socda dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana la shaqeeyaa Saraakiil iyo Ciidamo kooban oo ay tababar siiyeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe