Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax, Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil ka socotay dawladda Talyaaniga.
Socdaalka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku tagay dalka Jabuuti ayaa yimid kadib markii casuumaad uu ka helay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax.
Waxaana la filayaa wafdigaan intay ku sugan yihiin Jabuuti inay kulamo gaar gaar ah ay la qaataan Madaxda sare ee dalkaasi.