Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax IbraahiimA� oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaama ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal oo A�Saaxiibtinimo A�iyo Walaaltinmo ay ka dhaxeyso iyo arrim kale.
Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo Qibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.
Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane A�Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in WasaaraddaA� Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay kaA� gacan siin doontaA� Soomaaliya taageeroA� ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.
Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay A�dawladda TurkigaA� in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada TamartaA� iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.
Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFSA� ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.
Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shirA�looga hadlayo siddii ayA�iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeyaA� labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.
Isha Warka SONNA