Tuesday, March 18, 2025
HomeWararSawirro:- Saraakiil Ka Tirsan Hay'adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Maanta Kormeeray Xarunta...

Sawirro:- Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Maanta Kormeeray Xarunta Laanta Lixaad

Agaasime ku xigeenka Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhinaca howlaha Cabdifitaax Ibraahim Cumar (Shaaweeye) oo ay wehliyaan Waaxaha Maaliyada iyo Howlaha iyo Saraakiil kale oo katirsan HSJ ayaa kormeer ku tagay xarunta Laanta lixaad si ay ugu kuur galan habsami u socodka shaqada Laanta lixaad iyo Laanta afara ee HSJ.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ayaa kormeerka ka bilaabay Airport-ka Garowe, Xarunta Laanta Lixaad ee Garowe, Airport-ka Boosaaso, Dekedda Boosaaso iyo Xarunta Tababarada HSJ ay ku leedahay Magaalada Boosaaso.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ka howlgala Xarumaha Laanta lixaad ee HSJ kuna dhiiragaliyay shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyay Laanta afaraad ee HSJ oo uu booqday Airport-ka Ochaco ee Magaalada Gaalgacyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe