Wednesday, April 29, 2026
HomeWararSAWIRRO:- Raa��iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay Shirka Caalamiga ah ee Waxbarashada.

SAWIRRO:- Raa��iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay Shirka Caalamiga ah ee Waxbarashada.

Raa��iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaaka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.

Raa��iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

Dhanka kale, Raa��iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa shir-gudoomiyay kulankii labaad oo looga hadlayo qorshaha horumarinta hawlaha dekadda Muqdisho kaas oo daba socday goa��aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Raa��iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir layimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe