Sunday, March 23, 2025
HomeWararSawirro:- Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Xaflad Sagootin Ah Loogu Sameeyey Kismaayo

Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xaflad Sagootin Ah Loogu Sameeyey Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo todobaadkaan ku sugnaa Magalada Kismaayo.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaare kheyre, Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Jubbaland, Wasiirada Heer federaal iyo kuwa Maamulka Jubbaland, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay Kismaayo uu ahaa mid mira-dhal ah,isla markaana uu balan qaadayo inay wadashaqeyn doonaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland wax walbana la dhameyn doono.

Dhinaca kale Madaxweynah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in la dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana dhawaan uu tagayo Magaalada Muqdisho,sidoo kalena uu la kulmayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Odayaasha Dhaqanka Jubbaland ee munaasabada ka qeyb galay ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen xalinta khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,waxaana ay ka codsadeen inay si wanaagsan u wada-shaqeeyaan.

Si kastaba Maanta oo Jimcaha ah gelinka dambe ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inay dib ugu soo laabtaan Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe