Tuesday, July 15, 2025
HomeWararSawirro:- Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Ballan Qaad Shaqo U Sameeyey Dhalin-yarada Soomaaliyeed

Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ballan Qaad Shaqo U Sameeyey Dhalin-yarada Soomaaliyeed

Raa��iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.

Raa��iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto Kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faaa��iidaystaan fursadda shaqo.

a�?Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo Kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad aha�?. Ayuu yiri Raa��iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Raa��iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka binia��aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

a�?Xornimada aanhaysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicina�?, ayuu yiri Raa��iisul Wasaare Khayre.

a�?Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar aha�? ayuu munaasabadda ka sheegay Raa��iisul Wasaaraha XFS.

Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Raa��iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe