Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo is xigay oo Salaadii Casir kadib ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agagaarka Hotel Saxafi.
Wararka Ay Codka Gobollada Dhexe Heleyso ayaa sheegaya in Qaraxyada kadib ay la maqlay israsaaseyn u dhaxeysay Ciidamada Dowladda iyo Kooxdii Weerarka geysatay.
Illaa Saddex qarax ayaa la maqlay, saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaano, Kolkaas kadib ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan.
Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Halka weerarka uu dhacay, waxaana xiran waddooyinka udhaw Hotel Saxafi iyo Xarunta Dambi baarista oo iska soo horjeeda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay gashay Hotel Saxafi, halka warar kale ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka ay toogteen inta aan Gudaha Hoteelka u galin.
Waxaana goobta gaaray Gaadiidka Gurmadka Deg dega si ay u qaadaan Dadka waxyeeladu gaartay, waxaana sawirro lasoo qaaday ka muuqda Gaadiid iyo Bajaaj burburay.
Isbitaalada Muqdisho qaarkood ayaa la geeyay dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray si loogu daweeyo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegeen in Hotel Saxafi ay ku bartilmaameedsadeen Xubno katirsan Dowladda.

