Home Warar SAWIRRO:- Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Oo Lacag Ku Wareejiyey Maamulka Jubbaland.

SAWIRRO:- Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Oo Lacag Ku Wareejiyey Maamulka Jubbaland.

506

Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha oo shalay gaaray Magalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ugu dambeyn waxa ay Maanta Dowlad goboleedka Jubaland ku warejiyeen lacag loogu talo galay dad uu saameeyey fatahaada Wabiga ee deegaanada Jubbaland.

Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha ayaa Jubbaland ku wareejiyey lacag dhan (labo boqol iyo konton kun oo doolar ) 250,000$,lacagtaas oo wax loogu qaban doono dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee k u nool deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lacagtaas ku wareejiyey Madaxweyneku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Luga-dheere.

Sikastaba Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ee dowladda ayaa horay waxa uu lacag ugu wareejiyey Maamulka Hir-Shabeelle taas oo uu bixiyey Maamulka Gobolka Banaadir.