Mudaharaad balaaran oo shacabka Garowe ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe ayaa horay dadka Shacabka ugu wargeliyay in ay dhiggaan banaabaxyo ay kaga horjeeddaan maamulka Somaliland.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa waxa ay sheegeen in Somaliland ay dhibaato ku heyso shacabka kunool Magaalada Laascaanooda.
Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad xooggan oo ka dhalatay dagaalladdii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degaanka Tukaraq.