Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka OktoobarA� iyo saraakiil kale, ayaa booqday furumaha ee dagaalka magaalada Marko ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Gen. Odowaa, ayaa mid mid u kormeeray difaacayada Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Marko, waxaana uu xog wareystayA� Ciidanka halkaasi ku sugan, iyaggoo Abaanduulaha Warbixin ka siiyey Xaaladda amni ee Marko.
S/guuto Odowaa yuusuf raage, ayaa waxa uu ciidamada ku dhiirigaliyay in aysan ka niyad jabin dagaalka ka dhanka ah nabadiidka Al-shabaab oo hadda ah Koox aan itaal laheyn oo baxsad ah Sida Uu Sheegay , isaggoo kula dardaarmay in shaqada adag ee ay hayaan ay sii labo jibaaraan.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in aan loo duqaadan doonin in si sharci darro ah nabadiidka u xasuuqaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, Saraakiisha iyo Ciidanka Magaaladda Marko ku sugan ayuuna faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab, si Shacabka looga dul qaado dhibaatada argagixisada ay ku heyso.