Wednesday, January 22, 2025
HomeWararSAWIRO:Wasaaraddaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis gaaray

SAWIRO:Wasaaraddaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis gaaray

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Cirka ee dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Socdaalka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxaa ku waheliyay ,Mareeyaha guud ee hay’ada duulista (SCAMA) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa halkaasi ku gaaray heshiis ku aadan Wadashaqeynta labada wasaaradood iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada gaadiidka iyo duulista rayidka labada dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe