Home Warar Sawiro: Xerada Ciidamada xooga dalka ee Dhaankaroone oo maanta dhisme laga bilaabay

Sawiro: Xerada Ciidamada xooga dalka ee Dhaankaroone oo maanta dhisme laga bilaabay

30

DHISMAHA XERADA TABABARKA CIIDAMADA EE #DHAAN_KAROONE OO MAANTA LAGA BILAABEY DULEEDKA #GALINSOOR
__________________________________________

Xeradan oo ka mid ah Kuwa Taariikhda ee Ciidamada xoogga ayaa maanta waxaa Dhismeheeda daah furay Abaanduulaha Qaybta 21aad G/Sare: Xuseen xoosh iyo Madaxa #Howl_Galinta Qaybta Col_Abdilqaadir Maxamed “Gasaawe” .

Xeradan oo ku taala Duleedka Galinsoor oo Horay fariisin ugu aheyd Ciidanka Qalabka Sida Xiligii Dowladii dhexe ee Soomaaliya Ayaa ka Kooban Qaybta Keydka Hubka, aagga Daloolada Gaadiidka , Garoomada Ciyaaraha iyo Garoon diyaaradeed, Baraagaha Biyaha keydiyo iyo Qaybta Tababarada ciidamada waxaana Dhismaha Xerada Balan qaadey Dhowaan Taliyaha Qaybta 21aad S/Guuto Yuusuf Abdilqaadir “Kaanti” Balantaasi oo maantaba Fulinteedu Bilaabatey.

Abaanduulaha Qaybta 21aad G/Dhexe Xuseen Xoosh Ayaa uga Mahad celiyay Maamulka #Galinsoor Sida ay isku Garab Taageen Xoogga Dalka iyo Kaalinta ay ka geysanayaa Howsha Gaaska Dhaan_Karoone