Degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay munaasibad lagu dhaqan gelinayay heshiis ay kala saxiixden beelo horey ugu dagaalamay degmadaasi
Heshiiska oo horey beeluhu ugu kala saxiixden magaalada Cadaado ayaa lagu balamay in reer Cadaado ay bixiyaan diyada 32 ruux oo ay iska dileen beelaha colaadu ku dhexmartay degmada Xeraale
Reer Cadaado ayaa balanqaaday bixinta makta maadama ay garwadeen ka yihiin heshiiska lagu soo afjarayo colaada dhexmartay beelaha walaalaha ah
Maanta ayaa la bixiyay qeybta koowaad ee diyada waxaana lagu balamay in 10 maalin kadib munaasibad kale lagu qabto magaalada Huurshe si loo dhaqan geliyo qeybaha kale ee heshiiska ka dhiman
Beelihii dirirtu horey u dhexmartay ayaa maanta si buuxda isku gacan qaaday

