Wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya, kana mid ah Aasaasayaasha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahanada magaalada Cadaado.
Kulankan oo ka dhacay Hotel Central Magaalada Cadaado ayaa ahaa is xog wareysi, Sidoo kale dhalinyarada ayaa Su’aalo weydiiyey Sheekha.


