Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la sheegay inuu ku qarxay Koontarool Ciidamada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo gaadiidka lagu baaro.
Jugta Qaraxa oo si wayn looga maqlay Magalada gudaheeda, ayaanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Qaraxan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu daadiyay Magaalada Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo baaraya gaadiidka.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa durba tagay Ciidamada ammaanka, sidoo kalena waxaa halkaasi gaaray gaadiidka ambalaasta.
La soco wixii soo kordha