Tuesday, May 20, 2025
HomeWararSawiro Tiiceey oo siweyn maanta loogu soo dhaweeyay degmada Xeraale

Sawiro Tiiceey oo siweyn maanta loogu soo dhaweeyay degmada Xeraale

Madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cllaahi Aadan Tiiceey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Tiiceey ayaa waxaa kamid ahaa Kuxigeenkiisii Maamulkii Ximan iyo Xeeb Cabdiraxman Shaaticade gudoomiyaha degmada Cadaado Cllaahi Craxman Tootoole iyo Masuuliyiin kale.

Duleedka iyo Gudaha Xeraale ayaa Tiiceey waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Galmudug maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cllaahi Aadan Tiiceey ayaa ka mahadceliyay soodhaweynta balaaran ay u sameeyeen reer Xeraale.

Maamulka degmada Xeraale ayaadhankooda sheegay inay kafaraxsan yihiin imaatinka Mudane Tiiceey.

Madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cllaahi Aadan Tiiceey ayaa maalmahan socdaal kumarayay deeganada Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe