Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka furay tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka.
Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faaa��iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug.
Ujeedada tabarkaan ayaa ah in la daadejiyo waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha ee arriamaha dastuurka si qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa.
Shirka oo ay ka sooqeeb galeen Agaasimaha guud ee wasaarada dastuurka dowlada fadaraalka somaliy iyo wasiirka wasaarada Arimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta galmudug colaad Ayaa ugu horeentaa waxaa Agaasimaha guud ee wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisiinta galmudug zakariye mohamed Ahmed waxaa uu faafaahin ka bixiyay muhiimada shirka
Agaasimha guud ee wasaarada arimaha dastuurka dowlada somaliy mahamed Abuukar zuber Ayaa sheegay in ka qeebgalayaasha looga baahan yahay in ay waxyaabah ay ka faa,iidaan in ay ugudbiyaan deegaanada kale ee galmudug.
Gaban gabadii wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta galmudug Maxamed Cabdi Colaad Ayaa la dardaamay ka qeebvalayaasha
A�