Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulanka qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmaha booqasho ku joogay Muqdisho.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi la socdo ayaa Magaalada Muqdisho ku joogo Booqasho shaqo,iyadoona maalmo kahor Gaaray Caasimada
Kulanka oo Ahaa Mid Albaabadu Xiran Yihiin Ma Jirto Wax Faa Faahina oo Laga Bixiyay Balse Labada Madaxweyne Ayaa La sheegay In Ay Sigaar Ah Uga Wada Hadleen Xaalada Dalka Gaar Ahaan Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose oo Deegaano Ka Tirsan Ay Alshabaab Gacanta Ku Hayaan
Dhawaan Waxaa La Filayaa In Shirka Amniga Qaran uu Muqdisho Ka Furmo Kaas oo Ay Ka Qeebgalayaan Hugaamiyaasha Gobolada Iyo Madaxda Dalka