Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaana madaarka magaalaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Soo dhaweynta ka dibna waxaaa Heysom loo sii galbiyay xarunta madaxtooyada Somaliland halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Muuse Biixi Cabdi waxa ayna ka wada hadleyn sidii loo soo afjari lahaa colaadda dhiiga badan uu ku daatay ee Somaliland kala dhaxeeyo maamulka Puntland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday Warbaahintala hadlay ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoowe waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,
“Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”
Haysom ayaa sidaan oo kale maamulka Puntland kala hadlay sidii loo soo gabagabeyn lahaa Dagaalka Deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan dagaalyahano ka kala socda maamulka Puntland iyo Somaliland.