Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa wali waxaa ka soconaya dibad bax ay soo qaban qaabiyeen dad ganacsato ah oo isugu jira Rag iyo Dumar kaasoo looga soo horjeedo Diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.
Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibax dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah.
Waxaana marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya dadka dhigaya dibad baxaas kuwasoo ku dhawaaqaya erayo ay kamid yihiin dollar qaatee dooni mayno.
Ciidmada Amaanka gobolka Mudug ee Puntland iyo Ciidamada Milatari Soomaaliya ayaa sugaya Amaanka dadka dhigaya dibad bax kuwaaso xili danbe ku biiray Sugida Amaanka Dadka dhigaya isu soo baxan.