Dhismahan waa isbitaalka guud ee degmada Camaara ee gobolka Mudug
Dadka deegaanka ayaa si isxilqaan ah u dhisa isbitaalka maadama degmada aysan laheyd isbitaal lagu dabiibo dadka
Reer Camaara ayaa inta badan la daalaa dhaca xaalado caafimaad daro waxayna bukaanada u soo qaadan isbitaalka magaalada Cadaado oo ah kan ugu dhow waxuuna u jiraa in ka badan 200 oo kiilo mitir
Dhismaha isbitaalka Degmada Camaara ayaa maraya meel wanaagsan
Dadka deeganka ayaa codsanaya in laga qeyb qaato dhameystirka isbitaalka degmada Camaara ee gobolka Mudug.


