Monday, May 25, 2026
HomeWararSarkaalkii Ciidamada dowladda la dagaalamay oo Ciidamo la soo galay Beledweyne

Sarkaalkii Ciidamada dowladda la dagaalamay oo Ciidamo la soo galay Beledweyne

Ciidamo farabadan oo uu hoggaaminayo Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu Magacaabo Nuur Dheere ayaa waxaa ay xalay soo galeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa shalay waxaa ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda degaanka Qowlad oo qiyaasitii 12km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne, balse Ciidamada ay si deg deg kusoo galeen.

Magalada Beledweyne waxaa xalay ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo rabshado watay, kuwaas oo looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana banaanbaxayaasha ay soo dhaweeyeen Sarkaalka Nuur Dheere iyo Ciidamada uu wato.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shalay ku dhawaaqay in Magaalada Beledweyne habeenkii la gelinayo bandow, balse uusan dhaqan gelin bandowgaas, isla markaana dibadbaxyo ay ka dhaceen.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa saaka degan, hayeeshee dadka Shacabka ah ay dareemahaan cabasi maadaama Magaalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabeelle oo dhinac ah iyo kuwa la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Nin lagu Magacaabo Janeraal Xuud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe